Spoken Word by Rob x
Aduunkaan waa maalmo kooban oo
Waqtigu aad u rooray
Qof walbana tiisa cusleeysoo
Hoos iyo sare u la rooraya
Dad u beer jile dood
Siiso waqtigagaan roorayana
Dhulku kula gu'ayo, aanad celin haba yaraatee wax gargar ah
Intaad jilin ka hor
Indha furo
Fiiri hareeraha
[Freestyle]
Wakhti yar
Wado dheer
Silic, jajab
Intuba waa qadar
Qalbigaaga quful
Wax walbana, sikastana, wey dhacaane adoo shakin samir
Ogoow in aad tahay geesi
In aad tahay liibaax
Awoodaada kobci
Sharaftaada fiiri
Cadaw gaaga badan hmm
Xaasid kaagaa badan hmm
Jabkaageyna rabaan brr
Camal ma leh
Hawl ma leh
Dalag ma leh
Shuqul ma leh
Hami ma leh
Fikir koodu macna ma leh
Hadal koodu dhadhan ma leh
Qosol koodu qurux ma leh
La joogoodu macna ma leh
Xaasid weeyo jacyl ma leh
Ka xir khadka
Ka jar laabta
Ka bax meesha
Uma baahnid dad haleysan
Dad wareersan
Dad wajaqsan
Taada ka raac, taasaa saxsan
Ha dhageysan, toodaa khaldan
Tilmaam ma leh jidka toosan
Qasab ma aha
Saxna ma aha
Runna ma aha
Wey maseeraan markey arkaan adoo shidan, dabka ku shid bul
Wey ku farxaan markaad kufta, jabta, ukac raga gub
Kana fiirso intaad cunin laga yaabaa iney tahay sun
Dad baa jira xun
Kula raba shar
Iyo niyad jab
Aanan rabin run
Lana jiifa xaasid
Ka baxso run weeye
Dad jirran weeye
Dad aan nixin weeye
Oo ku neceb weeye
Intey qoslaan ku dilanaa weeye
Kaana fogeeyn, kuuna jeeda, hoos taada ku jira
Aanad arkeynin shisheeye ma aha
Cadow gaaguna, qof kaa fog ma aha
Hoos bey kuu dhigaano, dad kuu roon ma aha
Dad fiican ma aha
Dad saxsan ma aha
Da kuu dhow ma aha
Nabarka ay geystaan mid sahlan ma aha
Xanuunka ay kenaan mid quman ma aha
Waa xaasid
Waa jiir
Waa mas
Waa bahal
Waa dab
Ag toodu waa khatar
Nin maseerey waa halis
Abeeyso ba dhulaankii bey ku dishaa
Waa sun
Waa cudur
Waa qudhun
Iska tuf yeey ku tufin brr
Tooda ma ahee, marka hore dhibkaa ma leh niyow
Taadaa kuu cad ka wareego taasi arag ma leh geesi
Niman shaqeyn shaah ma cabo yidhi aabo geel jir
Ka fogoow nimaan ku rabin baa la yidhi geesi
Kow, jeclow inta aad awoodo waa muhiim
Kolkooli ubaxaan so baxayee ku hagoogsan qiiq
Labo, abuur baa ka horeeya waano ee bal raadi
Farxadaada niyow
Taana waa muhiim brr